April 7, 2025
News

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ay suurtagal tahay in “xabbad-joojin” laga gaaro Ukraine “todobaadyada soo socda.” (2025)

  • February 25, 2025
  • 0

Macron: Xabbad-joojin ayaa laga gaari karaa Ukraine toddobaadyada soo socda. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ay suurtagal tahay in “xabbad-joojin” laga gaaro Ukraine “todobaadyada

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ay suurtagal tahay in “xabbad-joojin” laga gaaro Ukraine “todobaadyada soo socda.” (2025)

Macron: Xabbad-joojin ayaa laga gaari karaa Ukraine toddobaadyada soo socda.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ay suurtagal tahay in “xabbad-joojin” laga gaaro Ukraine “todobaadyada soo socda.”

Macron ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay shabakadda wararka ee “Fox News” kadib kulan uu Aqalka Cad kula yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo intiisa badan diiradda lagu saaray dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine. Wuxuu yiri: “Marka hore, waxaan doonanynaa xabbad-joojin. Waxaan aaminsanahay in la gaari karo toddobaadyada soo socda.”

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale tilmaamay in xabbad-joojintan ay la jaanqaadi doonto wadahadallo ballaaran oo la xiriira xalinta dagaalka. Wuxuu intaa ku daray in imaanshaha Trump ee xukunka uu wax ka beddelay xaalada dagaalka Ukraine, sida uu hadalka u dhigay.

Macron ayaa intaas ku daray: “Fariintaydu waa inaan si wadajir ah uga shaqeyno sidii loo dammaanad qaadi lahaa ammaanka si aan u hubinno in Ruushka ixtiraamayo hannaanka nabadda.”

Dhankiisa, Trump ayaa Isniintii kadib kulankiisa Macron sheegay in dagaalka Ukraine uu dhammaan karo toddobaadyada soo socda. Wuxuu intaa ku daray in mas’uuliyadda sugidda nabadda Ukraine ay tahay mid ay tahay in Yurub qaaddo, halkii ay kaliya ka saaran lahayd Washington. Trump ayaa sidoo kale xusay inuu kala hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin suurtagalnimada in ciidamada Yurub la geeyo Ukraine.

Dammaanad-qaad Amni
Macron ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ciidamada nabad ilaalintu ay qeyb ka noqon doonaan dammaanadda amniga Kyiv. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabaddu aysan la micno ahayn in Ukraine ay isdhiibto.

Macron ayaa sheegay inuu wadahadal wanaagsan la yeeshay Trump, isagoo intaas ku daray: “Hadafkeennu waa dhisidda nabad waarta, waana tan aan sii wadayno inaan ka wada hadalno.” Wuxuu sidoo kale tilmaamay in tani ay tahay xilli muhiim ah oo taariikhi ah oo Yurub ay wajahayso, wuxuuna ballan qaaday in Faransiisku diyaar u yahay inuu noqdo lammaane difaac oo xooggan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa ka digay in dagaalka Ukraine uu horseedi karo Dagaal Saddexaad oo Adduun, isagoo ku adkeystay in tani aysan dhici doonin. Wuxuu sheegay: “Waa in la soo afjaraa dagaalkan arxan-darrada ah ee dhiigga badan lagu daadinayo.” Trump ayaa sidoo kale xusay in dagaalku sababay dhimashada ilaa 700,000 oo askari oo labada dhinac ah.

Heshiiska Macdanta ee Ukraine
Trump ayaa ka hadlay waxa loo yaqaan “Heshiiska Macdanta” ee Ukraine, isagoo sharaxay in wadahadallada heshiiskan ay gabo-gabo ku dhow yihiin. Wuxuu sheegay: “Waanu dib u helaynaa lacagahayaga, sidoo kale heshiiskan wuxuu faa’iido u yeelan doonaa Ukraine.” Trump ayaa intaa raaciyay: “Ma jiri doonto wax dagaal ah oo Ukraine ah marka la saxiixo heshiiska macdanta ee u dhexeeya Washington iyo Kyiv.”

image 9

Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, uu iman karo Washington toddobaadkan ama toddobaadka soo socda si uu u saxiixo heshiiska. Marka laga hadlayo suurtagalnimada kulan uu la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Trump wuxuu yiri: “Kulanku wuu dhici doonaa, laakiin ma garanayo goorta.”

Macron ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Yurub ee booqda Trump tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xukunka bishii la soo dhaafay. Madaxweynaha Faransiiska wuxuu booqday Aqalka Cad si uu uga qeybgalo kulan socday saacad iyo 45 daqiiqo, kaasoo ay labada hoggaamiye uga qeyb galeen shir muuqaal ah oo ay la yeesheen dalalka kooxda G7 si ay uga wada hadlaan xaaladda Ukraine.

Ka hor inta uusan la kulmin Trump, Macron wuxuu amaanay “geesinimada” Ukraine ee ay ku wajahayaan “duullaanka” Ruushka. Wuxuu ku qoray barta X (horey loo oran jiray Twitter): “Muddo saddex sano ah, Ukraine waxay si geesinimo leh uga dagaallameysay duullaanka Ruushka, taasoo mudan ixtiraam.” Wuxuu intaa ku daray: “Taageeradayada aan shuruudda lahayn ee Ukraine way sii socon doontaa. Waxaan jooga Washington si aan taas u xasuusiyo, sidoo kale si aan horumar uga gaarno arrintan aniga oo la kaashanaya madaxweyne Trump iyo xulafadayada.”

Guuji

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights
What do you like about this page?

0 / 400